Xiddiga reer England ee Mason Greenwood ayay sii yaraanayaan fursadaha uu dib ugu soo laabanayo kooxdiisa Manchester United ee cadaadiska badan saartay markii uu ay taageereyaasha kooxdaasi diideen in dib loogu soo celiyo kooxda iyadoo ay maxkamaduhu meesha ka saareen dacwad loo haystay oo ahayd isku-day kufsi.
Mason Greenwood oo waqtigan amaah ugu maqan Getafe oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey, ayaa waxa la sheegay in aanay Man United dib usoo ceshan doonin, taas beddelkeedana ay iibin doonto, iyadoo qandaraaskiisa Getafe uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Madaxweynaha Getafe ee Angel Torres ayaa sheegay in Manchester United ay iibinayso Mason Greenwood oo ay u sheegtay qiimaha, laakiin ay ka fiirsanayaan in ay heli karayaan awood dhaqaale oo intaas le’eg iyo in kale.
Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Manchester United ayaa waxa ay doonaysaa in £45 milyan oo Gini ku iibiso 2 jirkan oo toddobaadkii mushahar u qaata £75,000 Gini, isla markaana qandaraaskiisa Old Trafford uu ku egyahay sannadka 2026, balse uu jiro sannad kale oo dookh ah oo ay United kusii haysan karto illaa sannadka 2026.
Kooxo dhawr ah ayaa lala xidhiidhinayaa oo ay ku jiraan Juventus iyo AC Milan, hase yeeshee saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah ayaa soo galay tartanka laacibkan oo doonaya inay la saxeexdaan.
Naadiyadan oo aan la magacaabin ayaa la filayaa in ay bannaanka iskeenaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.