Tababarihii ay Chelsea shaqada ka eriday ee Mauricio Pochettino ayaa la sheegay in loo magacaabayo xulka qaranka England oo uu ka beddeli doono Gareth Southgate oo ay wararku sheegayaan in ay suurtogal tahay inuu iska casilo kaddib ciyaaraha Euro 2024.
Gareth Southgate ayaa uu saaran yahay cadaadis ah in aanu wax guulo ah ku keenin jiilka dahabiga ah ee uu tababaraha u yahay, iyadoo dalkiisa ay ugu dambaysay inuu wax koob ah ku guuleysto sannadkii 1966kii.
Mauricio Pochettino oo ay Chelsea eriday iyadoo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo ay ugu horreyso Manchester United oo iyadana la filayo inay erido tababare Erik ten Hag, laakiin waxa loollankiisa soo galay xulka qaranka England.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa la sheegay in ay doonayaan in Pochettino uu u noqdo macallinkooda mustaqbalka haddii uu Gareth Southgate guul ka keeni waayo tartanka qaramada Yurub, taas oo keeni karta inuu iscasilo.
Heshiiska Gareth Southgate ee xulka England ayaa waxa uu soconayaa illaa sannadka 2026, ayay u badan tahay in aanu waqtigaa dhamaysan doonin haddii ay natiijo xun ka keenaan tartanka Euro 2024, waana sababta ay xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ay u calaamadsadeen Pochettino.