Sir Jim Ratcliffe ayaa doortay koobka uu doonayo inay ku guuleysato kooxdiisa Manchester United sannadkan, isaga oo ciyaartoyda kooxda iyo taageereyaashaba u sheegay in ‘koob lagu guuleysto ay ka muhiimsan tahay in si fiican loo ciyaaro’.
Maalqabeenkan Ingiriiska ah oo ay da’diisu tahay 71 jir, ayaa la wareegay 27.7% mulkiyadda Manchester United bishii February, ayaa waxa kale oo lagu wareejiyey maamulka kooxdaas.
Bilyaneerkan ayaa waxa uu kooxdiisa u jeexay dariiq ay tahay inay raacaan oo ah inay ku xisaabtamaan in ay koobab ku guuleystaan oo aanay kusii jiri karaynin sida ay hadda yihiin ee koob la’aanta ah.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Sir Jim Ratcliffe ayaa waxa uu ciyaartoyda iyo tababaraha u sheegay in ay qasab tahay inay ku guuleystaan FA Cup oo ay Sabtida wada ciyaari doonaan Manchester City, kaas oo uu u sheegay inuu uga muhiimsan yahay Champions League iyo xataa Premier League, marka loo eego baahida ay waqtigan u qabaan inay koob qaadaan.