Liverpool iyo Man City ayaa laga yaabaa inay si dadban u caawiyaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United kuwaasoo baahi weyn u qaba inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Man United ayaa laga soo reebay tartamada Yurub xilli ciyaareedkan iyagoo u hoos maray group-kii ay kuwada jireen Bayern Munich, FC Copenhagen iyo Galatasaray.
Waxa ay haatan wajahayaan dagaal aad u weyn si ay ugu soo baxaan tartanka ugu sareeya ee kooxaha Yurub.
United ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad iyada oo 11 dhibcood ka hoosaysa kaalinta afaraad, waxaana xilli ciyaareedka ka harsan 11 kulan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta fursad ah in Premier League lagu abaalmariyo boos dheeri ah oo Champions League ah xilli ciyaareedka soo socda.
Waxay tani qeyb ka tahay isbeddellada soo socda ee lagu samaynayo tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo labo horyaal laguy abaalmarin doono boos dheeri ah oo Champions League iyadoo lagu saleynayo kala sareynta qiimeynta horyaalada ee UEFA.
Waqtigan xaadirkaan, labadaas boos ee dheeriga ah waxay ku sii jeedaan horyaalka Talyaaniga iyo Jarmalka, madaama ay u sareeyaan qiimeynta UEFA.
Horyaalka Talyaaniga ee Seri A ayaa hadda leh 16.000 dhibcood xilli ciyaareedkan, waxaana ku xiga Bundesliga Jarmalka oo leh 15.214. Horyaalka Premier League ayaa hadda ku jira kaalinta saddexaad iyagoo leh 14.625.
Liverpool ayaa ahayd kooxda kaliya ee Ingiriis ah ee badisay tartamada Yurub habeenkii Khamiista. Kooxda Jurgen Klopp ayaa 5-1 ku garaacday Sparta Prague kulan ka tirsanaa Europa League.
Brighton ayaa waxaa 4-0 ku xasuuqday Roma kulan ka tirsan Europa League, halka West Ham1-0 looga badiyay. Dhanka kale Aston Villa ayaa barbaro 0-0 ah la gashay Ajax kulan ka tirsan Conference League.
Guusha Liverpool iyo barbaraha Aston Villa waxay qiimeynta England ku dartay 0.375 dhibcood, taasoo soo yareyneysa farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Jarmalka. Ka hor waxaa dhibco iyadana ku dartay Man City oo guul weyn ka gaartay Champions League.
Iyadoo lix kooxood oo Ingariis ah ay tartamada Yurub weli ku jiraan xilli ciyaareedkan, Premier League ayaa fursad weyn u heysta inay helaan booska dheeriga ah ee Champions League oo la siin doono kooxda kaalinta shanaad ku dhameysata.
Tottenham ayaa hadda ku jirta kaalinta shanaad ee Premier League waxayna lix dhibcood ka sareeyaan United iyadoo kulan ay u sii harsan tahay.
Haddii kooxda Erik ten Hag ay kaalinta shanaad kala baxdo Tottenham, waxay rajeynayaan in Liverpool iyo Manchester City ay kulamo Champions League iyo Europa League ah badiyaan si ay iyaga ugu soo baxaan Champions League.