Erik ten Hag ayaa meesha ka saaray fikradda ah in kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Arsenal ay soo gaadheen dhaawacyo la mid ah kuwii soo gaaray Manchester United xilli ciyaareedkan.
Tababaraha reer Holland ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisa Red Devils ay si gaar ah u sameysay dhaawacyada iyagoo haatan dagaal ugu jira inay u soo baxaan Champions League.
Lisandro Martinez, Aaron Wan-Bissaka, Mason Mount iyo Rasmus Hojlund ayaa ah ka mid ah ciyaartoyda koioxda koowaad ee inta badan ka maqnaa Man United xilli ciyaareedkan.
Dhaawacyada waxay si gaar ah u saameeyeen dhanka daafac, iyadoo daafacyada bidix Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ay halis ugu jiraan inay seegaan inta ka harsan xilli ciyaareedka, taasoo ka dhigeysa United in United aysan heysan xiddig weyn oo booskaas ka dheela.
Sidaas oo ay tahay; Kooxaha ay xafiiltamaan ee Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ayaa sidoo kale la kulmay dib u dhacyo curyaamiyay xilli ciyaareedkan.
Laakiin Ten Hag ayaa ku adkeysanaya in dhibta ugu weyn ay kooxdiisa gaartay marka loo eego kooxaha kale: “Ugu horreyntii, uma maleynayo inay soo gaareen dhaawacyo badan oo la mid ah kuwa ina soo gaaray iyo weli boosaska muhiimka ah ee aan weynay.” ayuu yiri.
Tababaraha United ee careysnaa ayaa la la xasuusiyay in City uu ka maqnaa kubadsameeyahooda Kevin de Bruyne muddo afar bilood ah iyo mashiinka gooldhalinta Erling Haaland oo laba bilood ka maqnaa, laakiin waxa uu ku jawaabay: “Waxay heystaan Julian Alvarez – ma ahan bedel xun. ”
Ten Hag ayaa badiyay 61 kulan oo ka mid ah 100kiisii kulan ee uu qabtay kooxda tan iyo markii uu yimid Old Trafford, laakiin waxa uu aaminsan yahay in rikoodhkiisa guulaha uu intaas ka sareyn lahaa haddii ay taam u noqon lahaayeen xiddigihiisa waa weyn.
“Xogta guulaha waxay ii sheegeysaa inaan ku socono wadada saxda ah. Bal qiyaas haddii ciyaartoyda intooda badan ay taam inoo ahaan lahayeen oo dhaawacyo aysan jiri laheyn. Si sahlan ayaan ku gaari laheyd 75 guul – waxay tani ii sheegeysaa in mustaqbalka kooxdaan uu ifayo.”