Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si xanuun badan uga hadhay tartanka Europa League, waxaana soo afjarmay riyada koobkii labaad ee xilli-ciyaareedkan ay Liverpool ku taamaysay inay ku guuleysanayso oo ah Europa League, iyagoo horena looga reebay tartanka FA Cup.
Liverpool ayaa guul 1-0 ah kasoo gaadhay kooxda Talyaaniga ee Atalanta oo ay ku booqdeen magaalada Bergamo, laakiin waxa dishay natiijada lugtii hore ee ka dhacday Anfield oo 3-0 ay kooxda Talyaanigu ku burburisay Liverpool, taas oo celceliska labada ciyaarood ka dhigtay natiijo ah in Atalanta ay kusoo gudubtay 3-1, iyadoo goolkooda madiga ahna uu ahaa rikoodhe uu Mohamed Salah u dhaliyey.
Jurgen Klopp oo dhoola-caddaynaya ayaa macasalaameeyey tababaraha Atalanta oo ka mid ah macallimiinta lala xidhiidhinayo inay ka beddelayaan Liverpool oo uu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Luis Diaz iyo Mohamed Salah ayaa laba fursadood oo dahabi ahaa ka khasaariyey Liverpool qaybtii hore, iyadoo mid ka mid ah kubbadaha uu Salah ka dul-qaaday goolhayaha oo soo baxay, hase yeeshee Atalanta ayaa iyaduna si adag u dagaallantay oo heshay fursado ay waqti hore ku dili karayeen Liverpool.
Dhinaca kale, AS Roma ayaa 2-1 ku karbaashtay AC Milan oo ay kusoo dhoweysay garoonka Olimpico ee magaalada Roma, iyadoo inta badan kooxda ka dhisan caasimaddu ay ku dheelaysay 10 ciyaartoy oo qaybtii hore kaadh casaan ah lagaga saaray Zeki Zelik.
Labada gool ee AS Roma ay dhalisay ayaa waxa daqiiqadihii 12aad iyo 22aad u kala dhaliyey Mancini iyo Paulo Dybala halka Milan ay daqiiqaddii 85aad heshay gool firfircooni siiyey oo uu u dhaliyey Matteo Gabbia.
Lugtii hore ee ka dhacday garoonka San Siro ayay Roma kusoo adkaatay 1-0, waxaana marka natiijada maanta lagu daro ay AS Roma kusoo gudubtay 3-1.
Geesta kale, Bayer Leverkusen ayaa sii wadata rikoodhkeeda guul-darro la’aanta ah ee socday xilli-ciyaareedka oo dhan, waxaanay barbarro 1-1 ah la galeen West Ham oo ay tartanka kaga reebeen natiijo ah 3-1 isku-darka labadii lugood.