Cimrigiisa oo dhan waxa uu kusoo qaatay Real Madrid oo uu kulliyadeedda da’yarta kasoo baxay, waxaana kooxda koowaad uu usoo dallacay sannadkii 2011 iyadoo Jose Mourinyho uu safay kulankiisii ugu horreeyey, laakiin hadda ayuu soo afjarayaa waqtigiisa Santiago Bernabeu.
Difaaca reer Spain ee Nacho Fernández ayaa ku wargeliyey naadigiisa Real Madrid in uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan oo aanu u saxeexi doonin heshiis cusub marka uu qandaraaskiisa hadda dhamaado, taas oo ka dhigan inuu si xor ah kaga bixi doono.
Kabtanka Real Madrid ayaa waxa uu u sheegay maamulka kooxdiisa, in uu go’aan ku gaadhay in uu soo afjaro waayihiisa Los Blancos ee uu haddahoggaamiyaha ka yahay, waxaana go’aankiisu uu yimid iyadoo Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti ay isku dayayaan inay ku qanciyaan inuu heshiis cusub saxeexo.
Nacho Fernández oo bishii January ay da’diisu noqotay 34 jir isla markaana bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Manchester City ee Arbacadii oo uu xakameeyey Erling Haalnad ayaa qarka u saarnaa xagaagii hore inuu ka tago Real Madrid laakiin waxa uu ugu dambayntii saxeexay heshiis cusub oo sannad ahaa.
Nacho oo muddo 23 sannadood ah u ciyaarayay kooxda koowaad ee Real Madrid ayaa go’aankiisa loo nisbaynayaa in uu rumaysan yahay in aanu boos joogto ah helaynin maadaama ay joogaan Antonio Rudiger, Eder Militao iyo David Alaba, sidoo kalena ay kooxdaasi doonayso Leny Yoro oo u ciyaara Lille.