Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa marti ku ah waddanka Talyaaniga oo ay ku booqatay Atalanta oo lugtii hore ee garoonka Anfield kusoo xasuuqday 3-0, waxaana Jurgen Klopp uu kusoo bilaabay shaxdiisii ugu adkayd si uu guul soo laabasho ah u keeni karo.
Liverpool ayaa laga doonayaa in ay ugu yaraan 3-0 ku dhamaysato ciyaarta si ay rikoodheyaal iskula aadi karaan, haddii kalena ay goolasha intaa ka badiyaan iyaga oo ku dedaalaya in aan farqiga goolasha la isasoo gaadhin.
Jurgen Klopp ayaa sameeyey lix isbeddel marka loo eego shaxdii uu ku ciyaaray kulankii hore, waxaana uu dib usoo celiyey Mohamed Salah iyo Luis Diaz, halka difaaca dhinacyadana ay kusoo bilowdeen Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold.
Dominik Szoboszlai ayaa kusoo laabtay khadka dhexe, waxaana kaydka loo diray Wataru Endo maadaama ay kooxdu ku ciyaarayso qaab weerar ah oo ay guul qasab ah raadinayaan. Waxa kale oo kaydka loo diray Darwin Nunez oo fursado badan lumiyey saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay kooxdiisu guulo la’aan ahayd.
Weerarka dhexe ayaa waxa kusoo bilowday Cody Gakpo, waxaana dhinacyada ka xiga Luis Diaz iyo Mohamed Salah, halka khadka dhexe ay Dominik Szoboszlai ku wehelinayaan Alexis Mac Allister iyo Curtis Jones.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Liverpool XI: Alisson, Van Dijk, Konate, Alexander-Arnold, Robertson, Szoboszlai, Mac Allister, Jones, Diaz, Gakpo, Salah.
Kaydka: Adrian, Kelleher, Gomez, Endo, Nunez, Elliot, Jota, Tsimikas, Gravenberch, Clark, Danns, Quansah.
📋 I nostri convocati per #AtalantaLiverpool!
🫵 Our squad list for tonight's #UEL game!@intesasanpaolo | #GoAtalantaGo ⚫️🔵 pic.twitter.com/eqPMBvenbi
— Atalanta B.C. (@Atalanta_BC) April 18, 2024