Vinicius Jr ayaa nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin kulankii ay Real Madrid garaacday RB Leipzig islamarkaana ay ku xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega sideed dhamaadka Champions League.
Daqiiqadii 54aad ayuu xiddiga reer Brazil isku dayay inuu kubada ka qaato Orban laakiin markii uu awoodi waayay waxa uu ugu dhacay si ku talo gal ah. Garsooraha waxba ma uusan dhigin iyadoo ciyaarta ay sii socotay.
Vinicius Jr ayaa daafaca la dagaalay isagoo cunaha qabtay islamarkaana kala tuuray. Waxaana durbadiiba soo dhexgalay ciyaartoyda kale si ay u qaboojiyaan xaalada.
Garsoore hore Iturralde Gonzalez ayaa u sheegay wargeyska AS inay aheyd in xiddiga Madrid casaan la siiyo oo mudnaa in ciyaarta laga saaro.
“In casaan la siiyo ayay aheyd, sababtoo ah labo qalad oo isku xigay ayuu galay. Qaladka labaad waxa uu ahaa inuu cunaha qabtay oo kala tuuray.
“Jaale in lagu siiyo ayay aheyd qaladkii hore ee uu daafaca ku riixay, midka labaadna jaale labaad ayay noqon laheyd. Taasoo sababi laheyd in ciyaarta laga saaro.
“Maanta Real Madrid waxay caawin ka heshay garsooraha, Madrid waxay aheyd inay 10 ku ciyaarta. Xiddigii goolka dhaliyayna waxa uu ahaa mid aheyd in casaan la siiyo.”
Vinicius ayaase ka badbaaday casaanka isagoo qaatay kaliya kaadhka jaalaha, wuxuuna ku sii jiray garoonka isagooba dhaliyay gool wax ka yar dib dhacdadaan.