Halyeeyga Man United Andy Cole ayaa la barbardhigay hamiga kooxdiisa hore ee Man United midkii Arsenal berigii uu garoomada ku jiray.
United ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Man City iyo Fulham. Guuldarooyinkaas ayaa dhaawac u geystay hamigooda booska kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League.
Waxaa jirta suurtogalnimo kaalinta 5aad ay sidoo kale ugu soo bixi karaan Champions League xilli ciyaareedka danbe. Si kastaba, waxay taasi ku xiran tahay qiimeynta UEFA ee horyaalada kale ee Yurub ee Germany, Italy, Spain iyo France.
Cole oo shan horyaal oo Premier League ah la qaaday Manchester United ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ay tahay inay sameyso kooxdiisa hore haddii ay doonayaan inay soo galaan afarta sarre.
“Waa wax aad iyo aad u adag. Manchester United waxay ku qasban tahay inay badiso dhamaan 11ka kulan ee u haray horyaalka si ay fursad ugu helaan inay afarta sarre ku dhameystaan” ayuu yiri Cole.
“Sidoo kale waa inay rajeeyaan in Aston Villa iyo Tottenham ay kulamada qaar guuldareystaan. Miyay suurtogeli kartaa in midkood labadaas kooxood laga badiso afar kulan haatan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka? Ilama ahan.”
Cole ayaa hamiga kooxda la barbardhigay midkii Arsenal ee waqtigii uu ciyaaryahanka ahaa. Weeraryahankii hore ayaa sheegay in Man United ay ku qosli jirtay Gunners marka ay u dabaaldegaan inay kaalinta afaraad soo galeen.
“Manchester United waa inay isku daydo inay ku dhameysato meesha ugu sareysa ee ay awoodaan inay gaaraan” ayuu yiri Cole.
“Waan ogahay inay jirto fursad kaalinta 5aad ay ugu soo bixi karaan Champions League xilli ciyaareedkan, laakiin markii aan garoomada ku jiray, marka aan aragno Arsenal oo u dabaaldegeysa u soo bixitaanka Champions League, waan ku qosli jirnay iyaga.
“Haddii aadan ku guuleysanin Premier League, waa maxay sababta aad u dabaaldegeyso? Hadda kooxdaan waa Manchester United.”
Wa wax lagu qoslo weliba lagu hoiriyo