Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxdiisa Paris Saint-Germain ee uu usoo ciyaarayey tan iyo sannadkii 2017, markaas oo uu kaga soo biiray AS Monaco oo ahayd kooxdii uu kasoo baxay kulliyaddeeda.
Kylian Mbappe ayaa muuqaal uu soo duubay, waxa uu shaaciyey inuu dhamaadka xilli-ciyaareedkan si xor ah uga tegi doono PSG, waxaana uu sidaa kusoo afjaray waayihiisii Parc des Princes.
25 jirkan oo la sheegay inuu heshiis la gaadhay Real Madrid, ayaan muuqaalka uu soo duubay oo uu soo geliyey bartiisa Instagram ku sheegin kooxda uu tegayo, hase yeeshee waxa uu ku xaqiijiyey in xilli-ciyaareedkan sii dhamaanaya uu yahay midkiisii ugu dambeeyey ee kooxda reer France.
Waxa uu Kylian Mbappe cinwaan uga dhigay muuqaalkiisa ‘Waad Mahadsantihiin’, waxaana uu ugu mahad-celiyey taageereyaasha kooxdiisa PSG oo uu sheegay in muddadii uu joogay Parc des Princes ay u muujiyeen jacayl xad-dhaaf ah, waxaanu yidhi: “Way adag tahay oo ay adag tahay. Waligay uma malaynayn inay sidan iigu adkaan doonto inaan shaaciyo in la gaadhay waqtigii aan tegi lahaa.
“Way adag tahay in aan shaaciyo in aan ka tegayo waddankayga Faransiiska iyo horyaalka Ligue 1, laakiin waxa ay ila tahay in aan u baahanahay, in aan sheego in ay tahay waqtigii aan bilaabi lahaa cutub cusub kaddib toddoba sannadood oo aan halkan (PSG) joogay.”
Daawo muuqaalka Kylian Mbappe ku dhawaaciyey go’aanka tegistiisa
MERCI. 🔴🔵 @PSG_inside pic.twitter.com/t0cL2wPpjX
— Kylian Mbappé (@KMbappe) May 10, 2024