Taageerayaasha Manchester City ayaa carradooda kala duldhacay hal shaqsi ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Real Madrid oo laga reebay Champions League.
Kooxda difaacaneysay koobka ee City ayaa waxaa tartanka ka saartay kooxda Real Madrid oo rigoore uga badisay ka dib markii ay barbaro 4-4 isku dhaafi waayeen 210 daqiiqo oo ay ciyaareen labadii lug ee wareega sideed dhamaadka..
Bernardo Silva ayaa fursad u heystay inuu hogaan 2-0 ah u dhiibo Man City rigoorada ka dib markii Luka Modric uu qasaariyay rigooradii ugu horeysay ee Madrid islamarkaana City uu u saxiixay Julian Alvarez.
Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa lagu qasbay inuu sugo kubada ka dib markii taageere Man City ah uu diiday inuu kubada ku celiyo garoonka.
Ka dib muddo la sugayay, kubada ayaa dib loogu soo celiyay garoonka. Laakiin dib u dhacaas ayaa jidahada ka qastay Bernando Silva taasoo keentay inuu rigooradiisa ku aadiyo gacmaha goolhayaha Real Madrid.
Mateo Kovacic ayaa ka dib rigoore labaad ka qasaariyay City taasoo Madrid siisay faa’ido weyn, iyadoo Antonio Rudiger uu dhaliyay rigooradii xaqiijisay guusha ee ay Real Madrid ugu soo baxday semi-finalka.
Taageerayaasha City ayaa caradooda kala duldhacay taageerihii ku qasbay Silva inuu rigooradiisa sugo.
“Mid ka mid ah taageerayaasheena ayaa kubada muddo iska heystay taasoo ka dhigtay inuu Bernando wax badan ka fekero” ayuu soo qoray taageere City.
“Hambalyo ayaan dhahayaa doqonkii taageeraha ahaa ee qaboojiyay Bernando isagoo diiday inuu kubada celiyo.” ayuu yiri mid kale.
“Taageerihii City ee ku dhegay kubada ka hor rigooradii Silva waa doqonka isbuuca” ayuu mid seddexaad soo qoray.
Mid kale ayaa yiri: “Taageerayaasha City ayaa guuldarada sababay, maxaa ku dhacay kubada, waa maxayse sababta kubad kale loo heli waayay.”