Tababaraha xulka qaranka England ayaa shaaciyey in difaaca kooxda Arsenal ee Ben White uu iska diiday inuu qayb ka noqdo xulka qaranka England ee maanta lagu dhawaaqay, isla markaana uu u sheegay in aanu doonayn in lagu daro liiska la shaaciyey.
White oo aan xulka qaranka England u safanin tan iyo sannadkii 2022, markaas oo isaga oo ka mid ahaa ciyaartoyda xulka England ee Koobkii Adduunka ee Qatar uu sababo lagu sheegay inay yihiin kuwo shaqsi ah uu uga tegay garoonka tababarka.
Wararka ayaa waqtigaas eheegayay in Ben White ay isku dhaceen tababare ku-xigeenka xulka England ee lagu amgacaabo Steve Holland, laakiin Gareth Southgate oo saxaafadda la hadlay waqtigaas ayaa sheegay in aanay wax xurguf ah dhaxdooda imanin eeuu White go’aanka gaadhay.
Si kastaba ha ahaatee, Gareth Southgate oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay inuu telefoonka kula hadlay Ben White oo uu ku wargeliyey inuu ku darayo xulka qaranka England, balse uu laacibkani diiday arrintaas.
“Waxa aan la hadlay toddobaad ka hor oo aan u sheegay inaan ku darayo xulka, laakiin waxa ceeb ahayd in uu diiday inuu qayb ka noqdo, sababtoo ah bandhig fiican ayuu ka samaynayaa garoomada waxaanay ahayd inuu xulka u dheelo.” Ayuu yidhi Gareth Southgate.
White ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan u saftay Arsenal 39 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, isaga oo u dhaliyey laba gool iyo afar uu caawiye noqday.
Halkan ka daawo muuqaalka
"There is no issue between us at all" ❌
Gareth Southgate says Arsenal defender Ben White did not want to be considered for his England squad ⬇️ pic.twitter.com/hZLVQWOp7y
— Sky Sports News (@SkySportsNews) March 14, 2024