Guddida garsoorka xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa shaaciyey garsooraha qaban doonta adag ee Atletico Madrid iyo Barcelona ee Axadda, kuwaas oo isku ballansanaya garoonka Metropolitano oo ay si adag ugu dagaallami doonaan, si ay ugu soo dhowaadaan Real Madrid oo dhibco badan ka horreysa.
Jose Maria Sanchez Martinez ayaa noqon doona garsooraha ciyaartan oo la filayo inay noqoto mid xamaasaddeedu sarrayso, isla markaana qaab dagaal ah ay ku ciyaari doonaan labada kooxoodba.
Garsoore José María Sánchez Martínez oo kasoo jeeda gobolka Murcia ayaa waxa ay u noqon doontaa ciyaartii labaad ee uu labadan kooxood u qabto xilli-ciyaareedkan, sababtoo ah waxa uu ahaa garsoorihii ciyaartii hore ee labadan kooxood ee horyaalka LaLiga ee garoonka Barcelona ee Estadi Olimpic de Montjuic hayay, taas oo ay 1-0 ku adkaatay Barca. VAR ayaa waxa qaban doona Mario Melero Lopez oo kasoo jeeda gobolka Andalusia.
Sanchez Martinez oo ka mid ah garsooreyaasha sare ee UEFA, ayaa waxa lagu tilmaamaa garsooraha labaad ee ugu wanaagsan Spain waqtigan, waxaana kaliya ka horreeya Gil Manzano oo ku ceeboobay ciyaartii Real Madrid iyo Valencia ee uu dhameeyey iyadoo kubaddu goolka kusii socota, kaddibna iyagoo Real Madrid guul u dabbaal-degaya ay arkeen isaga oo madaxa ruxaya, taas oo keentay buuq iyo casaan uu siiyey Jude Bellingham.