Ciyaartoyda Paris Saint-Germain iyo Barcelona ayaa isku dhacay oo dagaal uu ku dhax-maray waddada loo maro qolka labbiska markii ay ciyaartoydu ka baxeen garoonka, halkaas oo 60 ciyaartoyda iyo shaqaalaha labada kooxood ah ay ku dagaallameen.
Kylian Mbappe oo dhaliyey labadii gool ee ugu dambeeyey ee PSG ay ka dhalisay Barcelona dhamaadkii isla markaana sababta u ahaa in ay celcelis ahaan 6-4 kusoo baxdo kooxda reer France ayaa ay weerareen ciyaartoyda Barca.
Weeraryahanka reer France ayaa la arkayey iyadoo uu ku dabbaal-degayo garoonka, laakiin ay iyaguna ku qaylinayaan isla markaana candhuuf ku tufayaan.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Kylian Mbappe ayaa waxa kusoo xoomay ciyaartoyda iyo shaqaalaha Barcelona oo cadhaysan.
Qof la hadlay wargeyska Mundo Deportivo oo aan magaciisa la sheegin ayaa yidhi: “Mbappe waxa uu ku yidhi ciyaartoyda Barcelona, waxani waa kubbad, garoonka ayaana lagu wada hadlaa’. Aad ayuu u qaylinayey isaga oo sii gelaya qolka labbiska.”
Mbappe ayaa isaga oo cadhaysan waxa ay is-jiid jiiteen qaar ka mid ah ciyaartoyda iyo shaqaalaha, balse waxa soo kala dhax-galay shaqaalaha amniga ee ku sugnaa garoonka, iyadoo ciyaartoyda labada kooxood ay laba dhinac u kala safteen.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo la sheegayo in Mbappe uu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyey ee PSG oo uu tegayo Real Madrid, waxaana la qiyaasayaa in cadhada Barcelona ay qayb ka tahay inay ogyihiin inuu kusii jeedo kooxda ay colaadda weyn u dhaxayso ee Real Madrid.