Atletico Madrid ayaa usoo gudubtay wareegga siddeedda tartanka Champions League kaddib guul soo-laabasho ah oo ay ka gaadhay Inter Milan, kaas oo waqti dambena ay rikoodheyaal kaga saartay tartanka.
Ciyaar la isku rafaaday oo 30 daqiiqadood oo dheeraad ah lagu daray ayaa ay Atletico Madrid ku xaqiijisatay booskeeda wareegga siddeedda, iyaga oo dhamaystiray siddeed naadi oo Jimcaha loo samayn doono isku-aad lagu qaban doono magaalada Nyon ee waddanka Switzerland.
Labada kooxood oo lugtii hore ee garoonka San Siro ee waddanka Talyaaniga kusoo kala baxay 1-0 ay ku badisay Inter Milan ayaa isla yimid Wanda Metropolitano, waxaana gool la hormartay Inter Milan oo daqiiqaddii 33aad uu hoggaanka u dhiibay Dimarco oo dhaliyey gool qurux badan oo kubadda uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Nicolas Barella.
Laakiin laba daqiiqadood kaddib ayay Atletico keentay goolka barbarraha ee ciyaarta oo uu u saxeexay Antoine Griezmann oo goolka ku hubsaday kubbad laga soo hubiyey VAR oo ay ciyaartoyda Inter Milan ku doodeen inay offside ahayd.
Atletico ayaa iska khasaarisay fursado badan oo kale oo ay goolka hortiisa la tagtay, halka Marcos Thuram uu isaguna goolka la hortegay kubbad loo qaatay gool oo ka dallacantay.
Daqiiqaddii 87aad ayaa ay Atletico Madrid keentay gool labaad oo uu u dhaliyey Memphis Depay oo beddel kusoo galay, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaanay isku-adka labada lugood ee labada kooxood ay sidaas ku noqotay 2-2.
Nasiib-darro ayaa ku dhacday Riquelme oo iyadoo uu garsooruhu afka ku hayo siidhiga dhamaadka markaas oo goolka hortiisa loo dhigay kubbad uu cirka ku toogtay.
30 daqiiqadood oo dheeraad ah ayaa lagu daray ciyaarta, waxaana ay labada kooxood awoodi waayeen inay goolal kala dhaliyaan inkasta oo ay fursado heleen labada dhinacba.
Rikoodheyaal loo dhigay ayay Atletico ku badisay 3-2, iyadoo Lautaro Martinez uu khasaariyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee naadigiisa oo uu cirka ku toogtay, halka goolhaye Jan Oblak uu kubadda ka badbaadiyey Alexis Sanchez iyo Davy Klaassen.