Wareysi uu Rasmus Hojlund siiyay kanaal YouTube oo taageere Man United ah ayaa dhaliyay dhibaato badan taasoo keentay in dil loogu hanjabo taageerihii wareysiga qaaday, waxaana haatan baaraya boliiska, sida ay sheegtay Daily Mail.
Hojlund ayaa bishii la soo dhaafay wareysi siiyay kanaalka YouTube ee The United Stand, isagoo ka soo baxay balan uu qaaday markii uu 72 milyan ginni ugu wareegay Old Trafford xagaagii.
Qaar badan oo ka mid ah xiddigaha Man United ayaa ka carooday go’aanka Hojlund uu ku ogolaaday inuu wareysi siiyo taageeraha Man United Mark Goldbridge sababtoo ah waxa uu in badan dhaleeceeyay ciyaartoyda United.
Mark Goldbridge iyo shaqaalihiisa The United Stand ayaa tarha iyo markii loogu hanjabay dil, iyadoo Goldbridge looga digay inuu meyd noqonayo haddii lagu arko Old Trafford.
Fariimo baraha bulshada la soo dhaafay ayaa sidoo kale loogu hanjabay shaqaalaha The United Stand, iyadoo la kashifay meesha uu ku yaalo istuudiyahooda. Boliiska ayaa loo yeeray Talaadadii iyadoo la adkeeyay amaanka goobta ay ka howlgalaan.
The United Stand waa kanaalka loogu daawasho badan yahay ee taageere ah, iyagoo heysta 1.83 milyan taageerayaal YouTube ah, waxay sidoo kale Twitter ku leeyihiin 2.3 milyan taageerayaal, waxaana aas-aasay Goldbridge oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdo Brent Di Cesare – toban sannadood ka hor.
21 jirka Rasmus Hojlund ayaa ku xirnaa kanaalka The United Stand xitaa ka hor inta uusan imaanin Man United, isagoo dhowr jeer la hadlay Goldbridge, wuxuuna ka balanqaaday markii uu Man United yimid inuu kanaalka wareysi siin doono.