Bayern Munich waxa ay si weyn iskugu hallayn doontaa weeraryahankeeda Harry Kane marka ay iska hor yimaaddaan Arsenal sababtoo ah waxa uu Gunners ka haystaa rikoodh dhinaca gool-dhalinta oo cajiib ah.
Kane ayaa tartanka kaliya ee kooxdiisu ay ku guuleysan karayso ee fursadda ay u haysataa, waa Champions League sababtoo ah waxay mar horeba ka hadheen tartanka German Cup, iyadoo laga qaaday German Super Cup, halka ay toban dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo ay u muuqdaan in horyaalka aanay ku qabsan karaynin.
Harry Kane ayaa dib ugu soo laaban doona magaaladiisii London ee uu halyeyga ka ahaa, isla markaaa uu waqtiga badan kusoo qaatay kooxdiisii hore ee Tottenham, isaga oo waajihi doona kooxda uu aadka u jecel yahay inuu goolasha ka dhaliyo ee Arsenal.
Harry Kane ayaa waxa uu nafta u keenay Arsenal oo 17 ciyaarood oo uu ka hor tegay uu ka dhaliyey 14 gool, waana ciyaartoyga ugu badan ee goolal intaas le’eg ka dhaliyey Gunners.
Sannadkii 2015 ayuu labadiisii gool ee ugu horreeyey ka dhaliyey Arsenal kulan ay Tottenham 2-1 ku garaacday Arsenal, halkaas ayaanay kasoo bilaabmeen saaxiibtinimada uu Kane la yeeshay shabaqa Arsenal.
Rikoodhka Harry Kane ee Arsenal ee horyaalka Premier League
Kulamada uu ka hor tegay: 17
Guulaha: 6 jeer waxa badisay kooxdii Kane ee Tottenham
Barbarro: 5
Guul-darro: 5 jeer ayay Arsenal guul-darro u xambaarisay kooxdii Kane ee Tottenham
Goolasha uu ka dhaliyey: 14
Caawinta uu sameeyey: 2