Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Dominik Szoboszlai ayaa qiray, in naadigiisu uu kusoo dedejiyey garoomada isaga oo aan si buuxda uga soo kabannin dhaawac muruqa kasoo gaadhay oo uu muddo garoomada uga maqnaa.
Kubbad-sameeyaha reer Hungry ayaa ku dhaawacmay ciyaartii Newcastle United ee maalintii sannadka cusub ee 2024, waxaana uu soo laabtay kulamadii Norwich City iyo Chelsea, balse waxa uu dib ugu laabtay dhaawac.
Bishii February oo dhan ayuu u jiifay dhaawaca dambe, waxaase uu kasoo muuqday saddexdii kulan ee ugu dambeeyey kooxdiisa ee Man City oo ay barbarro 1-1 ah wada-galeen iyo labadii lugood ee Saparta Prague ee Euriopa League.
Laacibkan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey hadal u muuqda eedan dadban oo uu ku durayo naadigiisa, waxaanu yidhi: “Haddii aan runta sheego, waxa aan soo laabtay aniga oo aan taam buuxa noqonin. Kaliya waxa aan u baahnaa inaan ciyaaro, ciyaaraha ayaana wax walba aniga ii ah.
“Kaddib dhaawacaygii koowaad waxa aan usoo laabtay si degdeg ah. Waanu ka shallaynay, haddase ma ahayn degdeg waanan caafimaadqabay. Waxa aan hubaa in aan diyaar ahay.”