Kontonka kooxood ee ugu qiimaha badan kubadda cagta waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana lagu sameeyey qiimayn la xidhiidha awooddooda dhaqaale oo keentay in lix kooxood oo Premier League ah ay kasoo muuqdaan tobanka sare.
Liiska 50ka kooxood ee ugu qiimaha badan kubadda cagta, ayaa waxa awood dhaqaale kusoo bandhigay naadiyada Ingiriiska oo tirada ugu badan ku yeeshay, taas oo caddaynaysa koboca ay samaynayso kubadda cagta Ingiriisku.
Shabakadda Sportico ayaa soo saartay liiska kontonka kooxood ee ugu qiimaha kubadda cagta sannadkan 2024, waxaana layaab noqotay in Manchester United oo ku silcaysa garoomadu ay tahay kooxda ugu qiimaha badan, waxaanu qiimaheedu noqday $6.2 bilyan oo dollarka Maraykanka, waxaana kaalinta labaad ku jirta Real Madrid oo uu qiimaheedu yahay $6.02 bilyan oo dollar iyo Barcelona oo saddexaad ah qiimaheedu yahay $5.28 bilyan oo dollar.
Liverpool ayaa afraad soo cidhiidhsatay oo uu qiimaheedu noqday $5.11 bilyan oo dollar, waxaana shanaad u dhacday Bayern Munich oo ah $4.8 bilyan oo Gini ah iyo Manchester City oo booska lixaad ku fadhida $4.75 bilyan oo Gini.
Halkan kaga bogo liiska 50ka kooxood ee ugu qiimaha badan kubadda cagta sannadkan 2024
1. Manchester United ($6.2bn)
2. Real Madrid ($6.06bn)
3. Barcelona ($5.28bn)
4. Liverpool ($5.11bn)
5. Bayern Munich ($4.8bn)
6. Manchester City ($4.75bn)
7. PSG ($4.05bn)
8. Arsenal ($3.91bn)
9. Tottenham ($3.49bn)
10. Chelsea ($3.47bn)
11. Juventus ($1.77bn)
12. Borussia Dortmund ($1.64bn)
13. Atletico Madrid ($1.62bn)
14. AC Milan ($1.2bn)
15. Los Angeles FC ($1.15bn)
16. Inter Milan ($1.06bn)
17. Atlanta United ($1.05bn)
18. Inter Miami ($1.02bn)
19. LA Galaxy ($1bn)
20. New York City FC ($840m)
21. Austin FC ($800m)
22. Seattle Sounder ($795m)
23. Lyon ($780m)
24. Roma ($770m)
25. America ($750m)
26. Ajax ($740m)
27. West Ham ($725m)
28. Toronto FC ($725m)
29. DC United ($720m)
30. Portland Timber ($715m)
31. Guadalajara ($710m)
32. Newcastle ($700m)
33. Napoli ($690m)
34. Philadelphia Union ($685m)
35. Benfica ($675m)
36. Charlotte FC ($655m)
37. Columbus Crew ($650m)
38. FC Cincinnati ($645m)
39. Minnesota United ($640m)
40. Nashville FC ($635m)
41. Sporting Kansas City ($630m)
42. New York Red Bulls ($615m)
43. RB Leipzig ($610m)
44. Aston Villa ($600m)
45. Atalanta ($695m)
46. Eintracht Frankfurt ($580m)
47. Flamengo ($570m)
48. Monterrey ($565m)
49. San Jose Earthquakes ($560m)
50. Houston Dynamo ($550m)