Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dib u heshay lix ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawacyo kaga maqnaa, kuwaas oo dhamaantood diyaar u noqon doona kulanka adag ee Arsenal ee garoonka Old Trafford ay Axadda ku qaabbilayso.
Manchester United oo guul-darro 4-0 ah kala kulantay Crystal Palace Isniintii, ayaa ka nafistay dhaawacyada waxaanay shax adag kala hor tegi karaysaa Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka oo u dagaallamaysa inay guul keento.
Tababare Erik ten Hag ayaa tababarkii maanta kusoo dhoweeyey difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo la sheegay inuu muujiyey taam ahaansho u ogolaan doona Ten Hag inuu kusoo bilaabo ciyaarta Arsenal. Waxa kale oo tababarka maanta iska soo xaadiriyey Luke Shaw oo muddo u jiifay dhaawac.
Xiddiga sida weyn ay u tabtay Manchester United kulankii Crystal Paace ee Bruno Fernandes iyo Scott McTominay ayaa iyagana la sheegay inay maanta joogeen Carrington, halka Marcus Rashford uu waqti hore yimid garoonka tababarka. Ciyaartoyga kale ee tababarka maanta yimid ayaa ahaa weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.