Zinedine Zidane ayaa iska diiday inuu tababare u noqdo Manchester United oo ku jirtay liiska kooxo lala xidhiidhinayo inuu midkood la wareegayo xagaaga foodda innagu soo haya, waxaana uu halyeyga reer France taxay laba arrimood oo muhiim ah oo aanu ku noqonayn macallinka Manchester United ee beddela Erik ten Hag.
Sir Jim Ratcliffe oo la wareegay maamulka Manchester United markii ay qoyska reer Glazer ka iibiyeen 25% saamiga kooxda, ayaa waxa u taalla shaqo adag oo ah inuu isbeddel ku sameeyo kooxda si ay guulo u keeni karaan mustaqbalka dhow.
Waxa uu Ratcliffe bilowgiisa soo -bandhigay qorshe ah inuu dibu-dhis ku samaynayo garoonka Old Trafford, taas oo ay si weyn usoo dhoweeyeen jamaahiirta kooxda, laakiin waxa aanu sidoo kale la dhacsanayn tababare Erik ten Hag sida uu ku warramayo wargeyska MEN ee kasoo baxa isla magaalada Manchester.
War kale oo uu qoray wargeyska Foot Mercato ayaa isna sheegay, in Ratcliffe uu doonayo tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane oo aan wax shaqo ah qabannin tan iyo badhtamaha sannadkii 2021 oo ahayd waqtigii uu iska casilay Real Madrid.
Zidane oo taariikh weyn kaga samaystay kubadda cagta markii uu saddex Champions League oo isku xiga u qaaday Real Madrid intii u dhaxaysay 2016 illaa 2018 oo ahayd saddexdiisii sannadood ee ugu horreysay ee tababarenimo, ayaa isaguna ka gaabsaday Man United.
Wariyaha ciyaaraha Julien Laurens ayaa sheegtay, in Zidane oo 51 jir ah, uu laba arrimood oo macquul ah ku diidayo Manchester United, waxaanay midda hore tahay in aanu si fiican u aqoonin luuqadda Ingiriiska, isla markaana aanu doonayn inuu barto.
Sababta labaad ayaa waxa ay tahay, in Zidane uu neceb yahay nolosha waddanka Ingiriiska oo uu u arko mid cidhiidhi ah oo ay saxaafaddu dhibaato ku hayso nolosha gaarka ah ee dadka.