Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa gaadhay go’aan weyn oo ah inay ka takhalusto oo ay iska iibiso xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz, kaas oo bixitaankiisana ay ku xidhan tahay hal shuruud.
Luis Diaz oo January 2022 ay Liverpool kasoo iibsatay FC Porto ayaa waxa ay kasoo bixiyeen lacag dhan £37 milya oo Gini, isaga oo markiiba si degdeg ah ula qabsaday Reds, waxaana lixdii bilood ee hore loo doortay saxeexii ugu fiicnaa ee xilli-ciyaareedkaas.
27 jirkan ayaa waxa xilli-ciyaareedkii hore soo gaadhay dhaawac lumiyey qaab ciyaareedkiisa oo uu muddo u jiifay, waxaana illaa hadda uu u saftay kooxdiisa 82 ciyaarood oo uu u dhaliyey 21 gool.
Usbuucyadii ugu dambeeyey ayuu Luis Diaz u muuqanayey inuu dib u helayo qaabkiisii fiicnaa, hase yeeshee waxa laga yaabaa in bandhiggiisu aanu kusii haynin Liverpool, waxaana ay kooxdu doonaysaa inay iibiso.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Liverpool waxay muhiimadda siin doontaa inay heshiisyo cusub ka saxeexdo Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah, waxaana Luis Diaz ay u arkaan in aan loo baahnayn oo garabkiisa bidix ay ka ciyaari karayaan Diogo Jota iyo Darwin Nunez, halka dookh fiican uu yahay Cody Gakpo oo isagu khadka dhexe iyo weerarka dhexe ah.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo uu ka tegayo Jurgen Klopp ayaa la filayaa inay isbeddello badan ku yimaaddaan xagaaga.