Xulka qaranka England ayaa jug weyn la kulmay ka hor tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo tababare Gareth Southgate uu maalmaha soo socda shaacin doono liiska ciyaartoyda uga qayb-geli doona.
Tiro ciyaartooyo muhiim ah ayaa dhaawacyadooda la xaqiijiyey iyadoo tababare Gareth Southgate uu usbuucyada soo socda xaqiijin doono safkiisa.
Harry Maguire ayaa dhaawac muruqa ah ku maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaase la filayaa in finalka FA Cup ee Manchester City ee May 25, waxaana ka sokow dhaawaca Harry Maguire haddana la xaqiijiyey in ay xilli-ciyaareedka uga dhamaatay difaaca Manchester United ee Luke Shaw.
28 jirkan ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii February, waxaana tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay uu maanta sheegay in aanu Luke Shaw taam u noqon doonin kulamada hadhay ee illaa finalka FA Cup.
Shaw oo ka mid ahaa ciyaartoyda uu tababare Gareth Southgate ku xisaabtamayay ayaa u muuqda in waqtigu gabaabsi ku yahay oo aanu soo kaban doonin ka hor tartanka qaramada Yurub maadaama ay ka hadhsan tahay muddo bil ah isaguna aanu in muddo ah ciyaarin.
Dhinaca kale, Manchester United ayaa waxa la filayaa in ciyaarta Axadda ee lagu soo xidhayo horyaalka Premier League uu ugu soo bilowdo difaaca dhexe ee reer Argentina ee Lisandro Martinez oo beddel kusoo galay ciyaartii Newcastle United iyo kulankii ka horreeyey.