Xulka qaranka England ayaa halis ugu jira in laga mamnuuco inuu ka qayb-galo Koobka Adduunka ee 2026 lagu qabanayo waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico, kaddib go’aan uu qaatay xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA.
Xildhibaannada UK ayaa ka dalbanaya xidhiidhka kubadda cagta dalkooda inuu ka noqdo go’aan uu qaatay oo halis gelin karaya in dalkoodu ka qayb-galo Koobka Adduunka, iyadoo haddaba ay FIFA indhaha ku hayso waxa ka socda gudaha UK.
Toddobaadkan horraantiisii, ayuu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku sheegay in uu isbeddel ku sameeyey sida loo ciyaarayo tartanka FA Cup, waxaana uu meesha ka saaray labadii lugood ee uu tartanku ka koobnaa oo uu kaliya hal kulan kusoo koobay.
Xildhibaannada UK ayaa dood ka keenay arrintan, waxaana la filayaa in golaha Baarlamaanka la horkeeno arrintan oo ay anisixyaan taas oo lid ku noqonaysa shuruucda ciyaaraha ee FIFA.
Sharciga FIFA ayaa dhigaya, in dawladuhu aanay wax faro-gelin ah ku samayn karin go’aamada xidhiidhada kubadda cagta iyo tallaabooyinka ay qaadayaan, waxaana la ciqaabaa dalka sidaas sameeya oo laga caydhiyo tartamada waaweyn ee ay FIFA maamusho.
Hore waxa ciqaabtan oo kale loogu riday waddamada Zimbabwe, India, Sri Lanka, Kenya iyo Pakistan oo dawladahoodu ay farogelin ku sameeyeen xidhiidhka kubadda cagta ee dalalkooda, waxaana laga mamnuucay inay ka qayb-galaan Koobka Adduunka, waxaana Ingiriisku ay raaci doonaan dariiqaas oo kale.