Tobanka xul ee ugu cadcad inay ku guuleystaan Euro 2024 ayaa la shaaciyay iyadoo koobka Qaramada Yurub uu xagaagan ka dhacayo dalka Jarmalka.
Xulka Ingariiska oo is caleemo saaray ayaa rajo ka qaba inay sameeyaan si ka fiican koobkii Euro 2020 oo ay ku kufeen finalka markii ay guuldarro ka soo gaartay Talyaaniga.
Kylian Mbappe ayaa isna raadinaya inuu saxo qaladaadkii Koobkii Adduunka oo ay Argentina ka qaaday finalkii.
France ayaa sidoo kale ay guuldarro ka soo gaartay Euro 2016 markaasoo ay koobka qaaday xulka Portugal.
Koobka Qaramada Yurub ayaa bilaabanaya maalinta Jimcaha ee 14ka bisha Juun, iyadoo lagu furayo kulan dhexmaraya Germany iyo Scotland.
Tartanka wuxuu soo xirmi doonaa 14ka July, bil ka dib marka uu bilowdo.
Xulalka loo saadaalinayo tartanka Euro 2024 ee la qiimeeyay waa sidaan iyadoo xulka Ingariiska uu yahay mid ugu cadcad inay koobka ku guuleystaan. Waxaa ku soo xigta France halka xulka martigelinaya koobka ay yihiin xulka seddexaad ee ugu cadcad inay qaadaan koobka.
- England 20%
- France 19%
- Germany 11%
- Spain 11%
- Portugal 10%
- Belgium 6%
- Netherlands 5%
- Italy 5%
- Denmark 3%
- Croatia 2%
Waxaa sidoo kale dhawaan la shaaciyay in cadadka xulalka la kordhiyay oo laga dhigay 26 ciyaaryahan taasoo xulalka waa weyn fursad u siineysa inay laaciibiin dheeri ah u soo yeertaan sida xulka Ingariiska oo xiddigo badan oo tayo leh heysta waqtigaan.