Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa uu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee abid soo martay kubadda cagta, isaga oo waqtiyadiisii ugu fiicnaa kusoo qaatay kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, halka uu qaaradda Yurub iskaga guuray oo uu hadda ku sugan yahay waddanka Sucuudiga.
39 jirkan oo waxa uu kasoo garab ciyaaray xiddigo waaweyn oo hadda ka xushay 11kii ugu fiicnaa, isaga oo ka tegay laacibiin kale oo waaweyn.
Inkasta oo su’aasha la weydiiyey ee ah doorashada 11kii ugu fiicnaa ay ku adkaatay inuu ka jawaabo oo uu markii dambe magacyada intii uu ugu qaddarinta badnaa sheegay, haddana waxa uu ka cudurdaartay in ciyaartoyda aanu xusin ay iyaguna yihiin kuwo waaweyn balse tirada la weydiiyey ay u diidday inuu magacyadooda sheego.
Halyeyga Manchester United ee Ryan Giggs lama filaynin inuu ka tegi doono, sidoo kalena waxay taageereyaashu filayeen inuu lasoo boodi doono magaca Mesut Ozil oo hadiyado siin jiray markii ay wada joogeen Real Madrid, halka Carlos Teves uu isaguna ahaa ciyaartoy ay wada abuuri jireen weerar halis ah waqtigoodii Manchester United.
Laakiin saddexdoodaba waa uu ka tegay, waxaana uu ka doorbiday Wayne Rooney, Karim Benzema iyo Gareth Bale, halka khadka dhexena uu u xushay Paul Scholes, Luka Modric iyo Toni Kroos.
Difaaca ayaa uu Cristiano Ronaldo usoo xushay afarta ciyaartoy ee Giorgio Chiellini, Rio Ferdinand, Marcelo iyo Sergio Ramos, waxaana goolhayaha uu u qaatay Iker Casillas oo uu ka doorbiday Gini Buffon.
11ka ciyaartoy oo dhamaystiran
Goolhaye: Iker Casillas
Difaaca: Sergio Ramos, Rio Ferdinand, Giorgio Chiellini iyo Marcelo
Khadka Dhexe: Luka Modric, Toni Kroos iyo Paul Scholes
Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale iyo Wayne Rooney.