Manchester United ayaa loo diiwaangeliyay xog ceeb taasoo keentay in Erik ten Hag oo ka caroodo markii la weydiiyay ciyaarta ka dib.
Man United ayaa durba xilli ciyaareedkan waxaa laga badiyay 11 kulan oo Premier League ah, waxay ku jiraan kaalinta lixaad ee miiska kala sareynta iyadoo 11 dhibcood u jira kaalinta afaraad.
Ka dib goolkii furitaanka ee Chelsea, Man United waxaa loo diiwaangeliyay xog ceeb ku ah taasoo muujineysa waxa ka qaldan xilli ciyaareedkan kooxda Erik ten Hag.
Manchester United ayaa wajahday in ka badan 500 darbo xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waana tiradii ugu badneyd ee ay wajahaan hal xilli ciyaareed muddo tobanaan sannadood ah.
United ayaa u nugul xilli ciyaareedkan in fursado lagu helo oo goolkooda la sigo, iyadoo Chelsea ay xalay wadar ahaan ku heshay 28 darbo oo 10 ka mid ah ay ahaayeen kuwa goolka ku bartilmaameedsan.
Ciyaarta ka dib wariye ayaa weydiiyay Erik ten Hag haddii taatikadiisa ay tahay cilada iyo sababta ay Man United u wajaheyso darbooyin badan xilli ciyaareedkan.
Ten Hag ayaa furka tuurtay, isagoo yiri: “Waa su’aal doqomeed. Waxaan soo bandhignay inaan nahay kooxda afaraad ee goolasha ugu yar laga dhaliyay ka hor caawa, qof walba waxa uu ka hadlayaa darbooyinka aan wajahnay.
“Waan fiicanahay, daafaceena waa uu fiican yahay, waxaan heysanaa goolhaye fiican sidaasi darteed ma jirto wax kale oo aan sameyn karo.”
Ka hor kulankii xalay, Man United waxaa laga dhaliyay 40 gool 29 kulan ay ciyaareen Premier League, waxaa ka fiican kaliya seddexda kooxood ee horyaalka ku tartamaya Arsenal (24), Liverpool (28) and Manchester City (29).