Cole Palmer ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 10aad iyo 11aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta isagoo guul soo laabasho ah ku hogaamiyay Chelsea taasoo keentay in si waali ah looga dabaaldego Stamford Bridge iyadoo tababare Mauricio Pochettino uu hormuud ka ahaa dabaaldega.
Ka dib kulan aan waxba la isku reeban oo la isku helay 47 darbo – 28 oo Chelsea ay heshay iyo 19 ay United heshay, Palmer ayaa yiri ciyaarta ka dib:
“Ciyaar waali ah ayay aheyd. Markii sideeda daqiiqo lagu daray, waxay ina siisay dhiirogelin. Waali ayay aheyd. Ma aanan garaneynin waxa aan sameeyo. Waan iska ordayay markii aan goolka dhaliyay. Inaan sidaan ku badino wax ka fiican ma jirto.”
Seddexleyda Palmer waxaa ku jirtay labo rigoore, wuxuuna yiri: “Seddexleey waa seddexleey. Waa mideydii iigu horeysay. Waana ku faraxsanahay. Rigooyin yar ayaan helay xilli ciyaareedkan. Haddii aan rigoorooyin helo waxaan isku dayi doonaa inaan dhaliyo, ma qasaarin doono.”
“Markii aan goolka rigoorada dhalinay, Pochettino wuxuu igu yiri: “labo daqiiqo ayaa ku harsan ee soco” wuxuu mar walba isku dayayayaa inuu ina dhiirogeliyo. Waan dadaalnay, waana dhalinay goolka guusha.
“Waa guul weyn. Waa waqti weyn oo niyad dhis ah. Qof walba jawi fiican ayay gelineysaa. Waxaan rajeynayaa inaan halkaan ka sii wadi doono.”