Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa laga sugayaa inuu qaato go’aamo adag oo uuku xulanayo xiddigaha dalkiisa u ciyaari doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo lagu qabanayo waddanka Germany.
Jordan Picford ayaa shaki la’aan noqon doona goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England oo aanay cidina ku qabsan doonin, sidoo kalena Aaron Ramsdale iyo Nick Pope ayaa boosaskooda heli doona haddii uu laacibka dambe kasoo kabto dhaawac uu kaga maqan yahay Newcastle United.
Difaaca oo ay dersin ciyaartooyo ah oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomadu ay sugayaan go’aanka Southgate ayaa qayb ka noqon doona madax-xanuunka xulashada ka qabsanaysa Gareth Southgate.
England oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii oo ahayd waqtigii ay qaadeen koobka Adduunka, ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka aadka loogu saadaalinayo tartanka sannadkan, balse xulashada tababaraha ayaa qayb weyn ka qaadan doonta fursaddooda.
Halkan kaga bogo liiska 23 ciyaartoy oo la sheegay in haddaba ay usii calaamadsan yihiin Southgate:
Goolhayeyaal: Jordan Pickford, Nick Pope, Aaron Ramsdale
Difaacyahanno: John Stones, Harry Maguire, Lewis Dunk, Kyle Walker, Kieran Trippier, Luke Shaw, Marc Guehi
Khadka Dhexe: Jude Bellingham, Kalvin Phillips, Declan Rice, James Maddison, Phil Foden, James Ward-Prowse, Trent Alexander-Arnold
Weeraryahanno: Jarrod Bowen, Bukayo Saka, Marcus Rashford, Jack Grealish, Ollie Watkins, Harry Kane