Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa in uu doonayo inuu tago kooxda reer Spain ee Real Madrid, inkasta oo ay xiisaynayaan kooxaha Barcelona iyo Manchester City.
Jamal Musiala oo khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican waqtigan kubadda cagta ayaa waxa uu doonayaa in uu tago Santiago Bernabeu oo uu ku biiro kooxda tababare Carlo Ancelotti, halkaas oo uu ka bannaanaaday booska Toni Kroos oo ciyaaraha ka fadhiisanaya.
21 jirkan oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ka mid ahaa ciyaartoyda ay ku dhaadato Bayern Munich, ayaa sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Carlos Carpio waxa uu kala doortay Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City, iyadoo labada dambe ay waqti hore xiisahooda muujiyeen.