Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa ugu dambayntii ka baxay aamusnaanta oo ka hadlay sababtii uu ‘sacabka ugu tumi waayey’ Jurgen Klopp markii ay ciyaartoyda kooxdiisu saf-sharafeedka u sameeyeen ee ay ku sagootinayeen garoonka Anfield.
Jurgen Klopp ayaa Axaddii soo afjaray sagaal sannadood oo uu tababare u ahaa Liverpool, waxaana ciyaartii ugu dambaysay ee uu layliyo ay noqotay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Wolves.
Ciyaartoyda kooxda ayaa saf usoo galay, waxaana laba jeer soo dhax-maray Jurgen Klopp ka hor intii aanu mulkiileyaasha iyo maamulka ugu tegin dusha sare oo uu iyaguna kusoo salaamay. Waxa kale oo uu u gacan-haadiyey taageereyaasha oo kalidii uu garoonka ugu soo hadhay.
Iyadoo xaaladdan ay ka jirtay garoonka Anfield, waxa la soo baxay muuqaallada Darwin Nunez oo gacmaha laabtay oo aan sacabka u tumayn macallinka lasii sagootinayey halka dhamaan ciyaartoyda kale ay sacabka u tumayeen.
Xurguf u dhaxaysay Klopp iyo Nunez ayaa loo nisbeeyey inay arrintan sabab u tahay, laakiin Nunez oo ka hadlay ayaa sheegay in taageereyaasha Liverpool ay mar walba yihiin kuwo isaga canaanaya, isaguna aanu hadda dan ka lahayn waxa dhacaya iyo waxa la samaynayo intaba.
“Waqtigii hore dhalleecayntu saamayn badan ayay igu yeelan jirtay laakiin hadda waan iska indho tiraa, danna kama galo. Xataa ma fiiriyo waxa wanaagsan ee aan sameeyey iyo wax kasta oo kale. Haddii ay ciyaartoydu xumaato, waxa aan kaliya isku halleeyaa qoyskayga [tababaraha ayuu ka saaray meesha], haddii ay wax qaldamaan, horeba way iigu soo dhacday oo mar walba waa lagaa aargoosanayaa.”
Si kastaba ha ahaatee, Nunez waxa uu diiday inuu si cad u sheego sababta uu sacabka ugu tumi waayey Klopp, balse waxa uu ku dooday in ‘waqtigan aanu dan ka gelin cidna’, isla markaana qoyskiisa oo kaliya uu daneeyo.