Amad Diallo ayaa sii huriyay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa, isagoo akoonadiisa Instagram iyo Twitter ka tirtiray dhamaan qoraaladii iyo sawiradii kooxdiisa Manchester United.
21 jirkaan garabka ka ciyaara oo wacdarro dhigay markii uu amaah ku joogay kooxda heerka labaad ee Sunderland xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo kooxda koowaad tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford.
Waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo jilibka ah xagaagii, laakiin wuxuu tababarka kooxda koowaad ku soo labtay bishii December.
Balse xiddiga reer Ivory Coast waxa uu dheelay kaliya 63 daqiiqo dhamaan tartamada oo dhan, waana waxa sababay carrada Diallo kaasoo United ku biiray 2021kii markii ay ku iibsadeen 37.2 milyan ginni.
Diallo ayaana carro darteed waxa uu akoonadiisa Baraha Bulshada ka masaxay dhamaan qoraaladii iyo sawiradii la xiriiray Man United, wuxuu Instagram ku soo reebay seddex qoraal iyo sawiro oo dhamaantood ku saabsan Sunderland.
Waxaa taas sii dheer inuu Twitter-kiisa hal ku dhig uga dhigay qoraal ah: “Tout cela finira…” taasoo micanheedu yahay: “Tani way dhamaan doontaa.”
Diallo ayaa noqday xiddiga sannadka ee taageerayaasha markii uu joogay Sunderland, sidoo kale wuxuu qaaday abaalmarinta da’ yarka sannadka ee Sunderland isagoo dhaliyay 14 gool 42 kulan uu saftay.