Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa magacaabay shaxdiisa todobaadka ee horyaalka Premier League isagoo soo saaray 11kii xiddig ee ugu fiicnaa horyaalka todobaadkan.
Goolhayihii ugu fiicnaa todobaadka waxaa noqday Guglielmo Vicario isagoo ka caawiyay inay Tottenham shabaqa ilaashato kulankii ay 4-0 ku garaaceen Aston Villa, wuxuuna sameeyay badbaadino fantastik ah.
Seddexda daafac danbe waxaa hogaaminaya kabtanka Liverpool Virgil van Dijk oo xiddiga garoonka noqday ciyaartii ay barbaraha 1-1 ku kala baxeen Liverpool iyo Man City, isagoo ku guuleystay inuu aamusiyo weerarka Man City gaar ahaan Erling Haaland.
Waxaa kula wehliya daafaca Tottenham Sergio Romero oo ahaa darbiga kooxda Spurs kulankii Aston Villa, waxaana daafaca dhameystiraya xiddiga Arsenal Ben White oo wacdarro dhigay kulankii Brentford isagoo caawiye ka ahaa labadii gool ee ay Arsenal ku badisay.
Garth Crooks waxa uu booska burburiyaha khadka dhexe u xushay Declan Rice oo udub dhexaad u ahaa guushii Arsenal, wuxuuna garab dhigay difaaca Man City John Stones oo booska khadka dhexe laga ciyaarsiinayo kaasoo ahaa xiddigii ugu fiicnaa Man City ee kulankii Anfield isagoo dhaliyay goolkii Man City.
Garbaha weerarka waxaa saaran laacibka Chelsea Cole Palmer oo caawin iyo gool isku darsaday kulankii ay xalay Blues ka badisay Newcastle, halka garabka kale uu saaran yahay xiddigii Tottenham guusha ku hogaamiyay Maddison.
Seddexda afka hore ee shaxda isbuuca waxaa hogaaminaya kabtanka Tottenham oo gool iyo labo caawin sameeyay kulankii ay 4-0 ku xasuuqeen Aston Villa, waxaa ku wehliya xiddiga Man United oo wacdarro dhigay kulankii ay ka badiyeen Everton isagoo lagu galay labadii rigoore ee ay kooxda ku badisay. Waxaana weerarka dhameystiraya xiddiga West Ham Danny Ings oo waqtigii dhimashada ciyaarta u barbareeyay kooxda reer London kulankii Burnley.
SHAXDA TODOBAADKA EE GARTH CROOKS:
(3-4-3): Vicario; Ben White, Van Dijk, Romero; Maddison, Declan Rice, John Stones Cole Palmer; Ings, Son, Garnacho