Laacibka Liverpool Wataru Endo ayaa Liverpool ku soo laabanaya xilli hore ka dib markii la kansalay kulankii ay isreebreebka Koobka Adduunka ee ay Japan la ciyaari laheyd North Korea.
Japan ayaa la balansaneyd North Korea maalinta Talaadada ee 26ka Maarso, laakiin xulka North Korea oo kulankaan martigelin lahaa ayaa kansalay ciyaarta iyagoo weydiisay xiriirka kubada cagta Asia in dib loo dhigo.
North Korea ayaa sheegtay inaysan kulanka martigelin karo sababo aysan cayimin darteed, waxaana haatan go’aan ka gaaraya xiriirka kubada cagta Asia ee AFC.
Japan ayaa durba waxay North Korea ku garaacay 1-0 habeenkii Khamiista kulan ka dhacay caasimada Japan ee Tokyo iyadoo goolka ciyaarta uu dhaliyay Ao Tanaka.
Endo oo ah kabtanka xulka Spain ayaa kulankii Tokyo ciyaaray kaliya 58 daqiiqo.
Haatan wuxuu ku laaban doonaa Liverpool xilli ka horeysay waqtigii la filayay, isagoo heli doona nasasiina dheeri ah ka hor kulanka Premier League ee ay Reds la ciyaareyso Brighton 31ka Maarso.
Wataru Endo ayaa noqday laf dhabarta khadka dhexe ee Liverpool kulamadii ugu danbeeyay isagoo soo bandhigayay qaab ciyaareedyo cajiib ah.
Jurgen Klopp ayaana ku farxi doona in xiddigiisa uu xilli hore u soo laabto si uu diyaar ugu noqdo kulanka Brighton.