Milkiilaha saamiga yar ku leh Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya inuu wiiqo awooda shaqada tababare ee Man United haddii uu Ten Hag sii joogayo ama baxayo, waxayna qeyb ka tahay isbedelada waa weyn ee kooxda lagu sameynayo.
Ratcliffe oo haya koontaroolka howlaha kubada cagta ee Man United ka dib markii uu iibsaday saamiga boqolkiiba 27.7 ayaa aaminsan inay qasab tahay in laga tago doorkii dhaqanka ahaa ee tababaraha taasoo aheyd in tababaraha uu maamulo dhinacyo badan oo kooxda ah sidii uu soo sameeyay Sir Alex Ferguson.
Qaabka cusub ee uu Sir Jim Ratcliffe doonaya ayaa ah in tababaraha ay shaqadiisa ku ekaato kaliya garoomada tababarka ee Carrington halka soo xerogelinta ciyaartoyda iyo dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ay shaqadooda noqon doonto agaasimaha isboortiga Dan Ashworth iyo madaxa guud ee kooxda Omar Berrada.
United ayaa Ten Hag u magacowday tababare sannadii 2022kii, wuxuuna heystaa awooda ciyaartoyda la soo iibinayo iyo kuwa kooxda ka baxayo sida imaanshaha Antony iyo Casemiro, wuxuu sidoo kale doortay keenista Mason Mount.
Inkastoo United ay guul weyn ka gaartay Liverpool kulankii FA Cup ee todobaadkii hore, shaqada tababare ee Ten Hag ayaa weli halis ku jirta madaama ay ku dhow yihiin inay seegaan u soo bixitaanka Champions League.
Weli wax go’aan ah lagama gaarin haddii Ten Hag uu joogayo ama baxayo inkastoo isbedelka shaqadiisa lagu sameynayo ay keeni karto inuu baxo.
Tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson tababare ka ahaa kooxda, howlaha oo dhan ee kubada cagta waxay hoos tagayeen tababaraha balse haatan United ayaa dooneysa inay shaqada tababaraha ku xadido garoonka tababarka