Xavi Hernandez ayaa durba helay shaqo cusub maalmo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu iskaga tegayo kooxdiisa Barcelona dhamaadka xilli-ciyaareedkan, taas oo ay keentay natiijooyin aan fiicnayn oo ay kooxdiisu ka keentay arroomada.
Tababaraha reer Spain ayaa waxa uu go’aankiisa shaaciyey markii laba ciyaarood oo isku xiga ay si xun u karbaasheen kooxaha Athletic Bilbao iyo Villarreal, iyadoo kooxda hore ay 4-2 kaga reebtay tartanka Copa del Rey, ka hor intii aanay Villarreal 5-3 kusoo burburinin Sabtidii kulan ka tirsanaa horyaalka LaLiga oo ka dhacay garoonka Barcelona.
44 jirkan oo xilli-ciyaareedkii hore u qaaday Barcelona horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa Sabtidii ku dhawaaqay go’aankiisa, waxaana uu sheegay in ay gaadheen heer aanay kasoo noqon karaynin.
Sida uu ku warramayo wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Xavi Hernandez ayaa durba helay shaqo tababarenimo oo usii diyaarsan oo uu la wareegi doono isla marka uu ka tago kooxdiisa Barcelona dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Xavi oo hore usoo layliyey kooxo horyaalka Qatar ah, ayaa waxa uu dalab ka haystaa kooxo aan la magacaabin oo horyaalka waddanka Sucuudiga ah oo doonaya inay magacaabaan marka uu ka madax-bannaanaado Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegaysa in Barcelona aanay la sugi doonin Xavi inuu sii joogo kooxda illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka haddii ay natiijo fiican ka keeni waayaan ciyaarta lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee ay booqashada ugu tegayaan Napoli.