Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaarayaa usbuucii 22aad, waxaana toddobaadkan ballansan kooxo waaweyn oo si weyn loogu dheg-taagayo natiijooyinkooda, sababtoo ah waxa ay saamayn ku yeelan doonaan figta sare ee horyaalka Premier League.
Kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool ayaa waxa ay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa Chelsea oo ay kulankoodii hore ee horyaalka kusoo kala baxeen barbarro goolal la’aan ah, iyagoo sidoo kalena ballansan finalka Carabao Cup ee dhamaadka bisha February.
Miyey Liverpool ka adkaan doontaa Chelsea oo ay sii haysan doontaa hoggaanka horyaalka Premier League? Waa su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo, laakiin khabiirka BBC Sport ee Chris Sutton oo ka jawaabay ka hor inta aanu saadaalinin kulamada usbuuca ayaa yidhi: “Waxa jira dareen, waanan garanayaa in ciyaartoyda Liveprool ay doonayaan inay si xooggan ku dhamaystaan xilli-ciyaareedka oo ay koobab ugu guuleystaan Klopp dartii sababtoo ah wuu ka tegayaa dhamaadka xilli-ciyaareedka. Laakiin ma noqon doonto wax fudud sababtoo ah waxa ku ladhan Manchester City.
“Anigu ma odhanayo ciyaarta Arbacada waa qasab inay guuleysato Liverpool si ay ugu guuleysato horyaalka, laakiin waxa aan leeyahay waxay bilow fiican u tahay tartankooda horyaalka Premier League, waxaanay siinaysaa niyad fiican.”
Chris Sutton ayaa intaas kaddib sheegay in Liverpool ay saddexda dhibcood ka qaadan doonto Chelsea, balse ay kooxaha kusoo dhow ee Man City, Arsenal, Aston Villa iyo Tottenham ay iyaguna dhamaantood soo badin doonaan, taas oo haddii ay run noqoto ka dhignaanaysa in farqiga u dhexeeya kooxuhu uu sii ahaan doono sida uu hadda yahay.
Khabiirku waxa uu toddobaadkan niyad-jab ugu bushaareeyey Manchester United oo uu xusay inay ku laaban doonto jidkii madoobaa ee ay iftiinka uga soo baxday markii ay Axaddii guusha tartanka FA Cup ah ka gaadhay Newport, waxaana garoonka Molineux ku qaban doonta Wolves.
Halkan kaga bogo saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 22aad ee Premier League
Salaasa
Nottingham Forest 0-2 Arsenal
Fulham 1-1 Everton
Luton 1-2 Brighton
Crystal Palace 1-0 Sheffield United
Aston Villa 3-1 Newcastle
Arbaca
Man City 3-0 Burnley
Tottenham 2-1 Brentford
Liverpool 2-1 Chelsea
Khamiis
West Ham 1-1 Bournemouth
Wolves 1-1 Man Utd