Real Madrid ayaa xoojinaysa xiisaheeda difaaca reer England ee Trent Alexander-Arnold oo 25 jir ah, kaas oo dhamaadka qandaraaskiisa uu sannad ka hadhsan yahay. (Relevo)
Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa kala doortay Bayern Munich iyo Liverpool, waxaanu doorbidayaa inuu tago Munich haddiiba ay noqoto inuu ka tago naadigiisa Leverkusen. (Sky Sports News)
Manchester United waxa ay diyaar u tahay in ay la saxeexato difaaca Juventus iyo xulka Brazil ee Gleison Bremes oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £43 milyan oo Gini. (Mirror)
Maamulaha cusub ee Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe waxa uu doonayaa inuu isbeddel ku sameeyo kooxdiisa kooxda, gaar ahaan tababaraha oo uu yaraynayo awoodihiisa. (Telegraph)
Newcastle waxa lagu qasbayaa inay la iibiso weeraryahanka reer Sweden ee Alexander-Isak oo 24 jir ah, si ay ugu hoggaansanto sharciga dhaqaalaha. Arsenal ayaa la sheegay inay hoggaaminayso tartanka loogu jiro Isak. (Football Insider)
Eintracht Frankfurt ma doonayso inay £8.5 milyan oo Gini ka bixiso Khadka dhexe ee Manchester United ee Donny van de Beek, waxaanay dib iskaga celin doontaa laacibkan dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Bild)
Inter Milan waxa ay doonaysaa inay la saxeexato difaaca reer South Korea ee Kim Min-jae oo ah 27 jir ay Bayern Munich sannad ka hor kasoo iibsatay Napoli. (Gzetta dello Sport)