Qiimayn lagu sameeyey xiddigaha ajaanibka ah ee ka ciyaaray horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lagu soo xulay 20kii ugu wanaagsanaa, kuwaas oo ay kasoo dhax-mudheen laacibiin hadda joogta iyo kuwo waqti hore tiiriyey kabaha kubadda cagta.
Kevin de Bruyne oo kusii siqaya in lau tilmaamo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee Premier League, sida uu seegay Jamie Carragher, ayaa waxa liiska uu kaga jiraa kaalinta toddobaad, waxaana ka horreeya Mohamed Salah iyo ciyaartooyo kale.
Erik Cantona, Gianfranco Zola iyo xataa Dennis Bergkamp ayaa ku jira xiddigaha ka horreeya Kevin De Bruyne, laakiin liiska ayaa waxa boos lama filaan ah kaga jira halyeygii Man City ee Yaya Toure oo ah ciyaartoyga ugu dambeeya ee fadhiya kaalinta 20aad.
Qiimayntan oo lagu salleeyey tirada sannadaha ay ciyaartoydani ka dheeleen horyaalka Premier League, goolasha ay dhaliyeen, koobabka ay kula guulysteen, aawinta iyo tirada kulamada ay shabaqooda nadiifta ka dhigeen ayaa sidoo kale ku jirta qiimaynta .
Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa kaalinta koowaad ku jira, iyadoo 258 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay Arsenal uu u dhaliyey 175 giool.
Halkan kaga bogo ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda Premier League”
20. Yaya Toure – Manchester City
19. Ruud van Nistelrooy – Manchester United
18. N’Golo Kante – Leicester City, Chelsea
17. Eden Hazard – Chelsea
16. Petr Cech – Chelsea, Arsenal
15. Nemanja Vidic – Manchester United
14. David Silva – Manchester City
13. Cesc Fabregas – Arsenal, Chelsea
12. Vincent Kompany – Manchester City
11. Peter Schmeichel – Manchester United, Aston Villa, Manchester City
10. Dennis Bergkamp – Arsenal
9. Didier Drogba – Chelsea
8. Roy Keane – Nottingham Forest, Manchester United
7. Kevin De Bruyne – Chelsea, Manchester City
6. Sergio Aguero – Manchester City
5. Mohamed Salah – Chelsea, Liverpool
4. Patrick Viera – Arsenal, Manchester City
3. Eric Cantona – Manchester United
2. Cristiano Ronaldo – Manchester United
1. Thierry Henry – Arsenal