Goolhayaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Andriy Lunin ayaa ka sheekeeyey khatartii uu u badheedhay markii uu rikoodhaha ka badbaadinayey xiddiga Manchester City ee Bernardo Silva kulankii Etihad Stadium ee ay Los Blancos ugu soo gudubtay wareegga semi-finalka Champions League.
Real Madrid ayaa rikoodheyaal 4-3 ah kaga adkaatay Man City, waxaana uu Andriy Lunin laba kubbadood ka badbaadiyey Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic halka Real Madrid laga qabtay Luka Modric.
Los Blancos ayaa naxday markii rikoodhihii koowaad oo uu Manchester City u dhaliyey Julian Alvarez iyagu ay lumiyeen oo uu goolhaye Ederson ka qabtay Modric, balse Adriy Lunin ayaa la baxsaday oo laadkii xigay ka qabtay Bernardo Silva oo badhtamaha goolka toogtay.
Sidoo kale, Lunin oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa isku tuuray laadkii Mateo Kovacic oo toogtay dhinaca midig, waxaana labadan badbaadinood ay keeneen in Madrid ay guuleysato.
Lunin oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay, in ay sii ogaayeen in ugu yaraan hal ciyaartoy oo Manchester City ah uu toogan doono badhtamaha goolka, kaddibna uu go’aansaday inuu Silva u istaago halkii uu dhinac isku tuuri lahaa.
“Waxa aan qaatay khatar ah in aan mid ka mid ah iska taagnaado halkayga, hore ayaanu usii dooranay in hal rikoodhe aan u istaago badhtanka, waxaana aan doortay Silva.” Ayuu yidhi Lunin.
Andriy Lunin ayaa la arkayay isaga oo la tashanaya goolhayaha kaydka ee Kepa Arrizabalaga oo xagaagii ka yimdi Chelsea isla markaana aqoon fiican u leh ciyaartoyda Man City oo in badan ay iskaga hor yimaaddeen horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Lunin oo ka faa’iidaystay dhaawaca Thibaut Courtois oo xilli-ciyaareedkan oo dhan maqnaa, ayaa 27 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Real Madrid waxa uu shabaqiisa nadiif ka dhigay 12 ciyaarood oo ka mid ah.