Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa samayn doona ficil uu sii shaaciyey tababare Thomas Tuchel ka hor kulanka Real Madrid ee lugta labaad ee semi-finalka Champions League, waxaana ficilkan uu Tuchel ku tilmaamay inuu yahay sirta ka dambaysa guulaha laacibkan.
Harry Kane ayaa Bayern Munich u dhaliyey 44 gool 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, waana ciyaartoyga Yurub oo dhan ugu goolasha badan, iyadoo Mbappe uu dhaliyey 43 gool iyio Erling Haaland oo 36 gool u dhaliyey Man City.
Harry Kane oo ay muuqato in uu ku guuleysanayo kabta dahabka ah ee horyaalka Bundesliga, ayaa waxa kale oo uu diiradda ku hayaa in uu noqdo ciyaartoyga ugu goolasha badan Yurub oo dhan ee ku guuleysanaya kabta dahabka ah ee Yurub, waxaana uu saxeexay 36 gool oo horyaalka ah.
Thomas Tuchel oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta caawa ee Real Madrid, ayaa waxa uu sheegay in Harry Kane uu soo cabbi doono dhawr koob oo bun ah ka hor inta aanu garoonka soo gelin, kaddibna uu heli doono firfircooni uu goolal kaga dhaliyo Real Madrid.
“Mar kasta oo aan madbakha galo, waxa uu hor taagan yahay mishiinka bunka, waxaanu cabbayaa Cappuccino. Dabcan waa caafimaad, waxaana uu ka helaa qaab, sidaa daraadeed wuu soo cabbi doonaa ka hor ciyaarta.”
Lugtii hore ee garoonka Allianz Arena, Harry Kane ayaa dhaliyey hal gool oo rikoodhe ahaa, iyadoo goolka kalena uu u saxeexay Leroy Sane, balse Real Madrid ayaa labada goolba uu u dhaliyey Vinicius Junior.