Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa telefoonka kula hadlay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii Borussia Dortmund ay tartanka Champions League kaga reebtay PSG.
Florentino Perez ayaa niyad-samaan u muujiyey Kylian Mbappe oo waqtigaas niyad-jabsanaa, waxaana uu u rajeeyey in marka xigta uu guul u dabbaal-degi doono oo uu koobkan dhegaha weyn leh ku guuleysan doono, iyadoo la sheegayo in xiddigani uu kusoo jeedo Real Madrid.
Sida ay warbaahinta waddanka Spain ku warrantay, Florentino Perez ayaa ku yidhi Kylian Mbappe hadal ahaa sidan: “Waxa aan rajaynayaa in aynu ku kulmi doono Wembly, farxad ayey ahaan lahayd haddii aynu innagu iskaga hor iman lahayn.”
Kylian Mbappe oo la sheegay inuu waqti horeba heshiis la gaadhay Real Madrid oo kaliya shaacintu ay hadhsanayd, ayaa waxa la filayaa in hadda ay dhinacyadu si cad ugu dhwaaqi doonaan heshiiskooda mar haddii ay soo dhamaatay suurtogalnimadii ahayd in PSG iyo Real Madrid ay isku dhici karayaan Champions League.
Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa laba bilood ka hor sheegay, in Mbappe iyo Real Madrid ay go’aanka shaacinta heshiiskooda dib ugu dhigeen suurtogalnimada in kooxahoodu iskugu iman karaan tartanka Champions League.