Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa caleemo-saaray difaac lama filaan ah o uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay saddexda ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, mana aha laacib khibrad iyo waayo aragnimo leh.
Adigaagan akhriyaya warbixinta waxa suurtogal ah in aanad wali si fiican u daawanin ciyaartoyga uu Lamine Yamal sida weyn u amaanayo, balse dhawr kulan oo kaliya oo uu kooxdiisa u dheelay ayuu ku kabsaday in loogu yeedho xulka qaranka Spain.
Lamine Yamal oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ammaanta ka haysan kari waayey da’yarka ay isku kooxda yihiin ee Pau Cubarsi oo dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey si joogto ah ugu soo bilaabanayey Barcelona isla markaana lagu daray xulka Spain ee ciyaaraha saaxiibtinimo ee bishan March.
Cubarsi oo ay da’diisu tahay 17 jir ayaa kasoo dallacay kooxda da’yarta Barcelona, waxaana illaa hadda uu u dheelay naadigiisa 10 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah iyo hal kulan oo UEFA Champions League ah.
Lamine Yamal oo isaguna 16 jir ah, ayaa waxa ay hore ugu wada ciyaari jireen da’yarta Barcelona, isugeyna waxa ay garoonka ku wada jireen 27 ciyaarood.
Yamal oo la hadlay warbaahinta Spain ayaa wax laga weydiiyey Pau Cubarsi iyo tayadiisa, waxaanu ku jawaabay: “Pau Cubarsi waxa uu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan adduunyada ee kubadda kasoo qaata difaaca.”
Labada ciyaartoy ee kale ayuu ku sheegay John Stones oo Manchester City ah iyo William Saliba oo Arsenal u dheela.