Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Joshua Kimmich waxa uu doonayaa inuu iskaga tago kooxdiisa Bayern Munich marka la gaadho xagaaga sidii aanu saaka idiinku soo gudbinay wararkayaga, laakiin waxa uu u dhexeeyaa illaa shan kooxood oo waaweyn oo dhamaantood doonaya inay la saxeexdaan.
Joshua Kimmich ayaa warar hore oo soo baxay ay sheegeen in uu doorbidayo inuu tago Arsenal, laakiin telefishanka Sky Germany ayaa ku warramaya in laacibkani uu diyaar u yahay inuu miiska la fadhiisto oo uu wada-hadallo la yeesho kooxaha ugu waaweyn ee Yurub.
Chelsea, Manchester United iyo Paris Saint-Germain kuma jiraan kooxaha uu Joshua Kimmich la hadlayo, balse waxa uu kala dooranayaa qorsheyaasha ciyaareed ee Barcelona, Liverpool, Real Madrid, Arsenal iyo Manchester City.
29 jirkan oo sannadkii ugu dambeeyeyba lala xidhiidhinayey inuu ka tegayo Allianz Arena ayaa waxa arrintiisu ay sii korodhay xilli-ciyaareedkan oo ay isku dhaceen tababare Thomas Tuchel oo isaguna ka tegi doona kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Bayern Munich oo 11kii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Bundesliga balse doorkan ay Bayer Leverkusen 10 dhibcood ka horreyso ayaa waxa xaaladdeeda sii murginaya Joshua Kimmich oo isaguna hadal-hayn kale ku furay.
Qandaraaska Joshua Kimmich ee Bayern Munich ayaa waxa uu dhacayaa sannadka 2025, waxaana Munich ay ku qasbanaanaysaa inay iibiso xagaaga si ay uga badbaaddo inuu si xor ah uga tago sannadka dambe.