Wariye aad looga ixtiraamo saxaafadda dhaxdeeda oo aad loogu kalsoon yahay xogaha uu soo gudbiyo ayaa soo bandhigay faahfaahin cusub oo ku saabsan kiiska loo haysto Manchester City ee ah in ay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha.
Sannadkii hore, ayuu Premier League shaaciyey in ay soo gabogabeeyeen baadhitaanno socday muddo afar sannadood ah oo ay ku hayeen Manchester City, isla markaana ay ku ogaadeen in ay kooxdani si joogto ah ugu tumatay sharciga dhaqaalaha.
Muddadii u dhaxaysay 2009 illaa 2018, ayaa uu Premier League sheegay in ay Manchester City ku tumatay sharciga, shantii sannadood ee xigayna ay qariyeen warbixinta rasmiga ah ee dahqaalahooda.
Sidaas oo ay tahay, waxa maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax-marayey in laga fiirsanayo in la laalo dacwadihii loo haystay Manchester City oo aan wax dembi ah lagu soo oogaynin, inkasta oo uu Premier League hore u shaaciyey waqtiga ay bilaabmayso dhegaysiga dacwaddu.
Si kastaba ha ahaatee, wariyaha wargeyska Daily Mail ee Mike Keegan ayaa waxa uu sheegay in aanay arrintaas waxba ka jirin oo ay dacwaddu socon doonto, waxaana qoraal uu ku daabacay X uu ku yidhi: “Waxa jira warar ku tidhi-kuteen ah oo la isla dhaxmarayo oo sheegaya in la tuurayo dacwadihii Manchester City. Laakiin sida la ii sheegay, arrintaasi waa been.”