Jurgen Klopp ayaa wacad ku maray inuusan mar danbe daawan doonin TV-ga Ingariiska ee baahiya horyaalka Premier League ee TNT Sports.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka ay Liverpool la ciyaareyso Tottenham, Klopp ayaa weerar ku qaaday TNT Sports madaama ay Liverpool ku jadwaleeyeen mar walba xilli ciyaareedkan inay ciyaarta duhurnimada 12:30pm waqtiga UK.
TNT Sports iyo Sky Sports ayaa dejiya waqtiga la ciyaarayo kulamada horyaalka Premier League ee la baahinayo, waxayna TNT Sports mar walba Liverpool ku qortaa inay ciyaarto 12:30pm oo ah waqti uu Klopp kiraahday.
Tababaraha Jarmalka ayaa yiri: “Dadka aan wada shaqeyno ayaan maalin dhaweyd ka hadleynay TV-ga TNT oo aan mar danbe daawan doonin, waxaana mar walba la sheegaa in TV-ga uu lacag bixiyo, in TV-ga uu lacag siiyo kubada cagta.
“Anigu sidaasi uma arko. waa cagsiga sida ay dadku sheegayaan, kubada cagta ayaa iyaga lacag siisa.
“Waxay ku dhacaan in Khamiista, Axada, Arbacada, Sabtida inay 12:30pm ku qoraan ciyaar taasoo danbi ah. Waxaan xaqiiqdii sugayaa in hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International inay u tagto iyaga.
“Qof meel iska fadhiya ayaa arintaan go’aansada. Waxaan jeclaan lahaa inaan qofkaas la kulmo. Waxaan jeclaan lahaa inaan qeyb ka noqdo kulanka lagu go’aamiyo jadwalka halkaasoo uu qof uu dhahayo: “Liverpool waxay ciyaareysaa 12:30pm” inta kalena ay qosol la dhacayaan. Waan jeclaan lahaa inaan goobtaas joogo.”