Manchester United ayaa diyaar u ah inay u ogolaato daaficii hore ee France Raphael Varane, oo 31 jir ah, inuu bilaash ku baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan. (Mirror)
Barcelona ayaa isha ku heysa inay xoojiso weerarkeeda iyadoo weeraryahanka Liverpool iyo Colombia Luis Diaz, oo 27 jir ah uu ka mid yahay xiddigaha diirada u saaran. (Mundo Deportivo)
Daafaca Cameroon Joel Matip 32 jir ah ayaa ka mid ah xiddigaha ka tagaya Liverpool xagaagan iyadoo ay xiiseynayaan Roma iyo Lazio. (Corriere dello Sport)
Manchester United ayaa isku diyaarineysa bixitaanka dhowr ciyaaryahan xagaaga si ay u buuxiyaan shuruudaha dhaqaale wanaaga, iyadoo mustaqbalka weeraryahanka England Marcus Rashford laga fiirsan doono. (Express)
AC Milan ayaa xiiseyneysa daafaca reer Brazil ee Aston Villa Diego Carlos, oo 31 jir ah, ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah markii uu ka soo laabtay dhaawac. (Sport)
Daafaca dhexe ee Fulham Tosin Adarabioyo, oo 26 jir ah, ayaa u sheegay kooxda inuu doonayo inuu beeca xorta ah kaga tago xagaagan, isagoo ay xiiseynayaan kooxaha Liverpool, Tottenham iyo Newcastle. (Express)
Xiddiga garabka uga ciyaara Brighton Kaoru Mitoma ayaa xiiso ka helaya Arsenal, Manchester City iyo Manchester United. (Fichajes)
Paris St-Germain ayaa dib u dhac kala kullantay isku daygoodii ay ku dooneysay inay kula soo saxiixato xiddiga Barcelona iyo Spain Lamine Yamal, oo 16 jir ah, iyadoo wakiilka Yamal uu kooxda u sheegay inuusan iib ahayn. (AS)
Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba isha ku haya saxiixa da’ yarka 18ka ee kooxda West Ham Daniel Rigge (ESPN).
Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay wadahadalo kula jirto tababarihii hore ee Manchester United Ralf Rangnick si uu u bedelo Thomas Tuchel. (Goal)
Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham ee Antonio Conte ayaa heshiis saddex sano ah la gaadhay si uu u qabto shaqada tababaranimo ee Napoli. (Rai)
Real Madrid ma sii wadi doonto inay u dhaqaaqdo daafaca Bayern Munich Alphonso Davies, oo 23 jir ah xagaagan, lakiin waxa ay xiiseynayaan inay si bilaash ah kula soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Canada marka uu qandaraaskiisu dhaco 2025. (Relevo).
Arsenal ayaa wadahadalo la furtay daafaca Brazil Gabriel Magalhaes, oo 26 jir ah si ay qandaraas cusub uga saxiixaan ka dib xilli ciyaareedkiisii wacnaa. (Mirror)
Daafaca Barcelona Pau Cubarsi, oo 17 jir ah, ayaa loo soo bandhigay qandaraas shan sano ah oo qaali ah kaasoo la filayo inuu saxiixo marka uu 18 sanno jirsado Janaayo, inkastoo ay xiiseyneyso Manchester City. (AS)
Bologna ayaa wali rajo ka qabta inay qandaraaska u kordhiso tababare Thiago Motta wixii ka dambeeya June 2024 inkastoo Juventus iyo Manchester United ay xiiseynayaan 41 jirka reer Brazil. (Gazzetta dello Sport)