Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa u sheegay maamulka iyo ciyaartoyda kooxdiisa, in iskadaa xilli-ciyaareedkan dhamaadka ahe, aanay xataa tartami karaynin xilli-ciyaareedka dambe ee soo socda, isla markaana aanay gaadhsiisnayn heer uu hunguri ka geli karayo horyaalka Premier League iyo koobabka kale ee maxalliga ah.
Manchester United oo sannadkii 11aad ka qatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa ay xilli-ciyaareedka dambe ka maqnaan doontaa tartanka Champions League, maadaama ay dhibco badan ka dambeeyaan kaalinta afraad iyadoo ay kulamo kooban hadhsan yihiin.
Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in uu isbeddelo ku samayn doono kooxda balse uu haysan doono Erik ten Hag sida ay shalay warbaahinta Ingiriisku ku warrantay, laakiin macallinka reer Netherlands ayaa isaguna qiimayntiisa la wadaagay saxaafadda oo xusay in Red Devils aanay xataa xilli-ciyaareedka dambe tartami karaynin.
Ten Hag oo la weydiiyey haddii ay kooxdiisa Manchester United ku tartami kari doonto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka dambe, ayaa si kooban ugu jawaabay: “Marka uu qof walba joogo ee uu taam noo yahay, waxa aanu u tartami karaynaa in aanu afarta sare ka mid noqono.
“Waxa aanu kusoo dhowaan karnaa boosaska 1aad ama labaad, balse waa haddii aanu samayno saxeexyo wanaagsan marka uu suuqu furmo. Waa in aanu iska xoojino meelaha muhiimka ah oo aanu kordhino tirada ciyaartoyda.’