Chelsea ayaa ka cabsi qabta inay waayi doonto weeraryahanka Napoli Victor Osimhen xagaaga, iyadoo Paris St-Germain iyo Arsenal ay ku loolamayaan saxiixa 25-jirka reer Nigeria. (Teamtalk).
Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford, oo 26 sanno jir ah, lama filayo inuu u dhaqaaqo PSG xagaagan ka dib markii ay soo baxeen shalay warar sheegaya in ciyaaryahanka reer England uu bedelayo weeraryahanka France Kylian Mbappe. (Sky Sports).
Getafe ma awoodi doonto inay sii haysato Mason Greenwood wixii ka dambeeya hishiiska amaahda, iyadoo Manchester United ay go’aansatay inay ka iibiso kooxdii lacagta ugu badan bixisa, isagoo qiimihiisu ku dhow yahay 50m euros (£ 42.7m). (Marca)
Manchester City ayaa go’aansatay inay dib u dhigto wadahadalada ku saabsan qandaraaska cusub ee ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium Kevin de Bruyne, oo 32 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa haatan ka harsan yahay wax ka badan hal sano. (Insider Football)
Aston Villa ayaa kalsooni ku qabta inay ceshan karaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Douglas Luiz inkastoo ay xiiseynayaan Arsenal. (90 Min
Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa daaha ka qaaday inuu u sheegay xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska inay ka wada hadlaan mustaqbalkiisa ka dib Euro 2024. (Mirror).
Tababarihii hore ee Manchester City iyo haatan ah tababaraha Saudi Arabia Roberto Mancini ayaa u sharaxan shaqada Newcastle United haddii ay go’aansadaan inay bedelaan Eddie Howe xagaagan. (HITC)
Chelsea ayaa xiisaynaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo 18 jirka reer France ee daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Lille Leny Yoro iyaga oo isku dayaya in ay badalaan daafaca reer Brazil ee Thiago Silva oo 39 jir ah (Standard).
Manchester United,Chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiseynaya da’yarka Barcelona iyo Spain ee Pau Cubarsi, oo 17 jir ah. (Football Espana).
Newcastle United iyo Arsenal ayaa sare u qaaday baacsiga ay ku doonayaan daafaca dhexe ee kooxda Sporting Lisbon iyo xulka Ivory Coast Ousmane Diomande, oo 20 jir ah, iyadoo Chelsea ay haatan u baahan tahay inay iibiso ciyaartoy ka hor inta aysan soo iibsan kuwa cusub xagaagan. (Insider Football)